Ciidamada dalka Kenya ayaa sheegay in ay dileen 7 kamid ah Xarakada al shabab intii lagu guda jiray howlgalo ay ka sameeyeen dagmada badhaadhe ee Gobalka jubbada Hoose.
Xoogagan ka tirsan Xarakada Al shababab ayaa la’dilay kadib markii ay isku geedaameen masjid iyo xarun police oo halkaasi ku taala oo ciidamada kenyatiga ee howlgalka ka’ah midowga Africa ee AMISOM weerar ay ku qaadeen.
Colonel PM Njuguna, oo ah sarkaal katirsan saraakiisha difaaca dalkasi ayaa sidoo kale sheegay in ay qabsadeen hub kala duwan oo u badan qoryaha fudud kuwaa oo 8-kamid ah ay haayeen qoryaha loo yaqaano AK47 iyo labo bombaanooyin sida uu hadalka u dhigay Sarkalkaasi.
Dhacdadan ayaa imaaneysa kadib markii afar kamid ah ciidamada kenyatiga ah la’dilay halka shan kale la dhaawacay taa oo ka dambeesay kadib markii bombo loo dhigay meel u dhaw xero meletiri oo ay ku leeyihiin meel aan sidaa ugu fogeyn halka ay ku sugan yihiin.

