Mareykanka oo Sheegay in La Xadidayo Qaxootiga Galaya Dalkaasi oo ay Soomaalidu Ku jirto

0

Madaxweynaha dalka Mareykan-ka Donald Trump  ayaa la filayaa saacado kadib in uu saxiixo sharci lagu xadidayo soo galootiga muhaajiriinta kuwaa oo u badan dalalka bariga dhaxe iyo qaar kamid ah wadamada qaarada Africa.

Madaxweynahan cusub aya sheegay in uu meel marin doono in loo diido Visaha iyo mamnuucida qaxootiga kuwaa oo ay kamid yihiin Somalia, Libya,yeman, Syria, iran iyo Iraq sida uu sheegay.

Ururada u ololeeya muslimiinta ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan amarkaan lagu wado in dalka looga mamnuuco soo galootiga muslimiinta taa oo sheegeyn in ay tahay mid sharci darro ah sababi kartana xasi looni darro iyo rabshado dalkaasi ka’bilowda.

Madaxweyne Trump, ayaa sheegay in qorshahan uu ku doonayo si loo sugo amniga dalkaasi iyadoo qaar kamid ah laamaha amaanka dalkaasi sharcigan la’sheegay in ay soo dhaweyn doonaan.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here