Kenya oo Sheegtay in Al-Shabaab Qasaare Lagu Gaarsiiyay Dagaal Ka Dhacay Badhaadhe

0

Ciidamada dalka Kenya  ayaa sheegay in ay  dileen  7 kamid ah Xarakada al shabab intii lagu guda jiray howlgalo ay ka sameeyeen dagmada badhaadhe ee Gobalka jubbada Hoose.

Xoogagan ka tirsan Xarakada Al shababab ayaa la’dilay kadib markii ay isku geedaameen masjid iyo xarun police oo halkaasi ku taala oo ciidamada kenyatiga ee howlgalka ka’ah midowga Africa ee AMISOM weerar ay ku qaadeen.

Colonel PM Njuguna, oo ah sarkaal katirsan saraakiisha difaaca dalkasi ayaa sidoo kale sheegay in ay qabsadeen hub kala duwan oo u badan qoryaha fudud kuwaa oo  8-kamid ah ay haayeen  qoryaha loo yaqaano  AK47 iyo labo bombaanooyin sida uu hadalka u dhigay Sarkalkaasi.

Dhacdadan ayaa imaaneysa kadib markii afar kamid ah ciidamada kenyatiga ah  la’dilay halka shan kale la dhaawacay  taa oo ka dambeesay  kadib markii bombo loo dhigay meel u dhaw  xero meletiri oo ay ku leeyihiin meel aan sidaa ugu fogeyn  halka ay ku sugan yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here