Markabkaan oo lagu Magacaabo Shiib Africaan oo ka diwaangasha dalka Koofur Africa oo waday Shixnado Ganacsi ayaa laga dhex helay dhowr konteenar oo ay ku jiraan nuucyo ka mid ah Hubka fudud oo iskugu Jira Bastooladaha nuuca aan dhawaaqa lahayn iyo Qoryahay Ak-47 sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Saraakiisha Maamulka Jubba-land.
Mas’uuliyiinta laamaha Amaanka Maamulka Jubland oo muddo 2-maalin ah gacanta ku haya Markabkaan ayaa qilaafay soo kala dhexgalay kadib markii ay isku fahmiwaayeen Habka loo Marayo Baaritaan lagu Sameeyo Hubkaan Xubnahaas oo ay ka mid yihiin Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad Sugida Jubba-land.
Warar hoose oo Idaacada Simba ay ka heshay Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Markabkaan oo uu Madax yahay Ganacsade ka soo jeeda Deegaanada Puntland taasi oo keentay Saraashiisha Amaanka Qaarkood ay ka soo Horjeestaan qabashada Markabkaan iyo Baaritaan lagu sameeyo.
Korneel Cabdirashiid Macalin gaas oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobalada Jubbooyinka ayaa Simba u sheegay in Hubkaan loo waday Maamulka Jubba-land hayeeshees Madaxda Jubba-land ay isku qilaafeen Qaabka loo qeybsanayo Hubkaan taas oo sababtay in Saraakiisha qaarkood ay gadoodaan ay Dibada soo Dhigeen Nuucyada Hubkaan oo Qorshuhu uu ahaa in Madaxtooyada Mooyee aan Cid kale ogaanin.
Mas’uuliyiinta Wasaarada Amniga Maamulka Jubba-land oo ay Idaacada Simba la Xariirtay ayaa sheegay inay ku howlanyihiin baaritaan lagu hayo Markabkaan iyo Shaqaalihiisa iyo halka loo waday Hubkaan waxa ayna ka cudurydaarteen in Ccodkood aan baahino.

