Ciidamada Maamulka Jubba-land oo garab malatari ka helaya Kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ayaa Maanta dagaal kula wareegay Degmada Badhaadhe ee Gobolada Jubada Hoose oo kamid aheyd deeganadii ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.
Dagaalka ayaa ahaa mid xoogan waxaa la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan waxaa Al-shabaab ay ku adkeysteen in ay sii difaacdaan Degmada Badhaadhe ee Gobolada Jubada hoose oo sanado badan ay ku talinayeen, balse waxaa dagaalka dhanka hawada kaga biiray Ciidamo cadaan ah oo adkeysanayay diyaarado dagaal waxayna duqeeyeen 3-saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab.
Intaas kadib waxaa Ciidamada Maamulka Jubba-land iyo garab malatari ka helaya Kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM iyo ciidamadii cadaanka ahaa waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan degmadaas.
Ilaa haatan waxa hadal ah kama soo bixin Al-shabaab.

