Ciidamada Uganda ee Soomaliya Ku Sugan oo Mushaar La’aan Ka Cabanaya

0

Baarlamaanka dalka Uganda ayaa ku eedeeyay ma’suuliyiinta  Wasaarada difaaca dalkaasi in aysan helin Ciidamada Uganda ee Soomaliya ku sugan xuquuqdooda iyo daryeelka ay u baahanyeen taa oo wasaarada difaaca ay ka gaabisay in ay diirada saarto sida ku simaha  wasaarada arimaha dibada Edith buturo  uu warbaahinta u sheegay.

Saraakiisha sar sare ee Wasaarada difaaca dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada Uganda aysan helin lacagtii loo qoondeeyay ee mushaar ahaanta u qaadan jireen taa oo ay ku micneeyeen in ay tahay mid halis ku howlgalka nabad ilaalinya oo soomaaliya ay u joogaan.

Sidaan oo kale qaar kamid ah ciidamada nabad ilaalinta u jooga soomaaliya sida burundi iyo Kenya  aaya cabasho ka muujiyay mushaar la’aan soo wajahday, iyada oo dowlada burundi dabayaaqdii sanadkii 2016 ay sheegty in dalka ay kala bixi doonaan askortooda balse lagu qanciyay in howlgalka ay kasii mid ahaadaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here