War Deg Deg” Qarax Miino oo ka Dhacay Maqaayad ku Taala Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan

0

Wararka haatan Naga soo gaaraya degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax Miino Lagu eegtay degmadaas ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo  Maqaayad ku Taalay Degmada Buuloburte ku sugnaa.

Duqa degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan Cusmaan Geedi Cilmi oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in qaraxa Miino uu dhacay uuna ku dhintay Hal ruux oo wiil yar ahaa oo ku sugnaa Maqaayada,

Dhanka kale Duqa degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiiraan  Cusmaan Geedi Cilmi ayaa Tilmaamay in Maqaayada ay kamid aheyd goobaha ay ka cunteen jireen ciidamada dowlada soomaliya ee ku sugan degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Halkaan ka dhageyso codka Duqa degmada Buuloburte

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here