
Madaxweynaha dalka mareykanka Barack Obama oo kusugan dalka Malaysia ayaa booqday xerooyin ay ku jiraan qaxooti soomaaliyeed kuna yaala duleedka magaalada Kuala Lumpur ee caasimada dalkaasi Malaysia.
Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaxootiga soomaaliyeed ee kujira xerada qaramada midoobe ee dalka maleysia ay aad u liidato xaaladooda biniaadan-nimo.
Barack Obama ayaa sigaar ah ula kulmay Qaxootiga ku jira xeredaasi oo kakala yimid dalalka soomaaliya, Myanmar, iyo dalka sudan.
153,850 qaxooti magangalyo doon ah ayaa kujira xerada qaxootiga ee qaramada midoobe kuna taala dulleedka caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur , waana dad u kala dhashtay dalalka soomaaliya, Myanmar, Sri Lanka, Pakistan, Syria, Iraq, Iran, Palestine iyo dalal kale.
Obama ayaa shalay oo jimca aheyd gaaray dalka maleysia halkaasi oo uga qeyb galayo kulanka dhaqaalaha hogaamiyaasha dalalka koonfur-bari Asia oo maanta lagu wadaa in lagu soo gaba- gabeeyo dalkaasi maleysia.
