Dhageyso:- Nin Meyd ah Oo Maanta Lagu Soo bandhigay Degmada Afgooye

0

Xili xaley weerar xoogan ay al-shabaab ku qaadeen Fariisin ciidamada dowlada ay ku leeyihiin degmada afgooye islamarkaana Al-shabaab ay gudaha u galeen degmada afgooye ayaa waxaa isa soo taraya qasaaraha uu geystay dagaalki dhacay.

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada Afgooye Korneyl Amiin oo la hadlay Idaacadda Simba ayaa sheegay in maanta Nin meyd ah oo al-shabaab ay kaga carareen xaley degmada afgooye ay ku soo bandhigeen gudaha degmada.

Taliye amiin ayaa sheegay in uusan jirin qasaare soo gaaray ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka koonfurgalbeed.

Dhinaca kale korneyl amiin ayaa waxa uu sheegay in Al-shabaab ay weerar u adeegsadeen xeelad ay gul ku doonayeen isagoona carabaabay in Al-shabaab ciidamadooda ay xaley soo qaadeen halka uu maro webiga Shabeelle xili webiga uu biyo guray dhawaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here