Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya ayaa ku waramaya in diyaarado dagaal oo ilaa haatan aan la aqoonin halka laga leeyahay ay duqeeyeen fariisimo Al-Shabaab ay ku sugnaayeen.
Diyaaradaha dagaal ayaa duqeeyay deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile oo hoos yimaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa ka arimiya Maamulka Xarakada Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya oo ku sugan gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in duqeymahan ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsay saldhigyo ay ku sugnaayeen Xarakada Al-shabaab, hasse ahaatee ma aysan sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta.
Deeganada Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta Dalka Soomaliya waxaa inta badan ka dhaca duqeymaha lala eegto Saldhigyada ay ku sugan yihiin dagaalyhanada Xarakada Al-shabaab, waxaa duqeynta inta badan fuliyay diyaarahada Mareykanka.\

