Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) Gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay in dowladda Puntland gacanta ku dhigay saraakiil sare oo katirsan Alshabaab.
Waxana puntland ay sheegtay in shaqsiyaadka la qabtay ayku lug lahaayeen dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada Bosaso.
Cumar Faraweyne Wuxuu ka gaabsaday inuu xog dheeraad ah ka bixiyo saraakiisha iyo xilalka ay u hayeen Alshabaab, isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda.
Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay Puntland iyo shacabkeeda in aysan marnaba niyad jab ku noqondoonin ficilada dilalka ah ee Alshabab ka geysanayso magaalada Bosaso.

