Dhageyso:- Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo Lagu qabtay Garowe

0
????????????????????????????????????

Cumar Cabdullaahi Maxamed (Faraweyne) Gudoomiyaha gobolka Nugaal  ayaa sheegay in dowladda Puntland gacanta ku dhigay saraakiil sare oo katirsan  Alshabaab.

Waxana puntland ay sheegtay in shaqsiyaadka la qabtay ayku lug lahaayeen  dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada Bosaso.

Cumar Faraweyne Wuxuu ka gaabsaday inuu xog dheeraad ah ka bixiyo saraakiisha iyo xilalka ay u hayeen  Alshabaab, isagoo hadalkiisa kusoo koobay inuusan ka hor-dhacayn baaritaankooda.

Sidoo kale, gudoomiyaha gobolka Nugaal ayaa sheegay  Puntland iyo shacabkeeda in aysan marnaba niyad jab ku noqondoonin ficilada dilalka ah ee Alshabab ka geysanayso magaalada Bosaso.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here