Qarax Miino oo Lala eegtay Ciidamo ka Tirsan Booliska dalka Kenya oo ku Sugnaa Magaalada Mandheera

0

Wararka ka imaanaya xadka ay wadaagaan soomaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in ciidamada ka Tirsan Booliska dalka Kenya in qarax Miino lagula eegtay Magaalada Mandheera ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya.

Gadiid ay wateen Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa la sheegay in qaraxa lala beegsaday wallow Gudoomiyaha gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya maxmuud saalax  oo sheegay in aysan jirin qasaaro soo gaaray ciidamada qaraxa lala eegtay.

Dhanka kale Baaritaano ayaa haatan ka socda Magaalada Mandheera ee Gobolka woqooyi Bari ee dalka Kenya ay sameenayaan ciidamada Booliska dalka Kenya si gacanta loogu soo dhigo Ragii ka dambeeyay qaraxa ka dhacay Magaalada Mandheera.

Sidoo kale Ciidamada Booliska kenya ee Maanta qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay ka Yimaadeen degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here