Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa saxaafada u sheegay in laacibka Samir Nasri uu garoomada ka Maqnaan doono mudo 4-bilood ilaa 5-Bilood kadib dhaawiciisa oo Zaaiday. Taasi waxay Micnaheeda ay Tahay In uu garoomada ka Maqnaan doono inta xili ciyaareedkaan ka dhiman.
Samir Nasri ayaa Bartiisa Bulshada kusoo qaray maalintii khamistii aheyd in uu garoomada ka Maqnaan doono Mudo kale.
Dhanka kale 28-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka France ayaa dhawaan Xirada Tababarka dib ugu soo laabtay.

