Akhriso:-Wasaaradda Haweenka oo Dalbatay in Cadaalada La Horkeeno Ragii Gabadha Ku Kufsaday Goldogob

0

Maanta oo ay tahay Isniin taariikhdu ku began tahay 16 Janaayo 2017, Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Waxa ay cambaareyneysaa falalka kufsiga ee ka dhaca guud ahaan dalka gaar ahaan fal kufsi loogu gaystey gabar dhalinyaro ah oo ku nool degmada Goldogob ee gobolka Mudug.

Wasaaraddu waxey ka codsneysaa hay’adaha Cadaaladda iyo Amniga Qaranka Soomaaliyeed in ay Cadaaladda horkeenaan eedeysanayaasha lagu eedeeyey falkaasi kufsiga ah iney ka dembeeyaan.

Wasaaraddu waxey Allah uga baryeysaa Gabadha dhibanaha ah inuu Allah Caafimaad deg deg ah siiyo Aamiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here