Xarunta Xubnaha Aqalka Sare ee ku taala Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa maanta Lagu dhaariyay Xubno cusub oo dhawaan kusoo baxay dooorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Mudane Ibraahim iidle Suleyemaan ayaa dhaariyay Xubnaha Cusub ee aqalka Sare waxayna ku dhaarteen in si daacad ah ay dalka ugu adeegi doonaan.
Muuna Cumar Xasan, Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Muxyadiin Sheekh Cali Jaamac, Cabdikariin Maxamed Xasan iyo Cabdirisaaq Axmed Cali, ayaa loo dhaariyay maanta kamid noqoshada Xubnaha aqalka Sare ee dalka kadib markii ay ku guuleysteen doorashadii dhacday 8-dii bishaan Junuary ee 2017-ka.

