Ayuub Ismaaciil ayaa goordhaweyd ku soo baxay Kursiga lixaad doorashada Xubnaha Aqalka Sare Gobolada Waqooyi Soomali-land ee Magaalada Muqdisho ka socota.
Xubnaha kala ah Xuseen Ceelaawe Faahiye, Maxamed Aadan Waaberi iyo Axmed Cabdi faahiye, ayuu kaga guuleystay ayuub kursiga Lixaad doorashada Xubnaha Aqalka Sare Gobolada Waqooyi Soomali-land kadib markuu helay codod gaaraya 39-cod.
Ayuub Ismaaciil uu kusoo baxay kursiga Lixaad doorashada aqalka Sare ayaa ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, wuxuuna ka soo jeeda Gobolka Awdal ee deeganada maamulkaas.

