Guddiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo Maanta La Shaacinaayo

0

Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali xareed ayaa  sheegay in maanta la magacaabayo Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug kadib markii shalay Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ay kalsoonida kala laabteen C/kariin Xuseen Guulleed.

Mudane Xareed Cali Xareed Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay in qasab ay tahay in lasoo doorto madaxweyne cusub oo hogaamiyaha Galmudug kadib markii ay shalay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guulleed.

“Maanta oo Arbaco ah ayaa la magacaabi doonaa Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug, guddiga ayaa soo saari doona sharuudaha laga doonayo musharixiinta madaxweynaha Cusub ee Galmudug, musharixiinta doonaya xilka cusub waa in ay isku soo diiwaan galiyaan muddo 45-maalmood Gudahooda”, ayuu yiri Xareed Cali xareed.

Shalay ayay aheyd markii Xildhibaano 54-mudane oo kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa isku raaceen in xilka la qaadayo Madaxweynaha Galmudug Mudane C/kariin Xuseen Guuleed, inkastoo shir  jaraaid uu qabtay uu ku diiday go’aankaas.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here