Waxaa kulanka doorashada gudoonka soo xaadiray xildhibaano gaaraya 258 mudane.
Weli waxaa soconeyso doorashada iyadoona ay xildhibaanada ay codeynayaan, musharixiinta u tartameyso gudoomiyaha baarlamaanka ayaa midba midka kale guul in uu ka gaaro ka rajeyynayo.
Waxaa hadda socoto wareegi koowaad ee codeynta iyadoona mushrixi keensada wareega koowaad codod gaaraya 139 uu si rasmi ah u noqonayo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Doorashada gudoomiyaha baarlamaanka waxaa u sharaxan musharixiin badan balse dadka ugu cad acad waxaa kamid ah Maxamed shiikh Cusmaan Jawaari, C/rashiid Maxamed Xidig iyo C/fitaax Ibraahim Geesey.





