War Deg Deg:-Xildhibaanada Galmudug oo Kalsoonidii Kala Laabtay Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed

0

Xildhibaanada Baarlamanka maamulka Galmudug oo saakay kulan ku yeeshay magaalada Cadaado  ee Caasimada KMG ah ayaa sheegay in ay kalsoonidii  kala laabteen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

54-mudane oo ka tirsan Xildhibaanada baarlamanka dowladd Goboleedka Galmudug ayaa u codeeyay in xilka laga qaaado madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo ku eedeeyay wax qabad la’aan mudadii uu hogaaminayay Maamulka.

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in uusan aqbali doono wax walba ay soo saaraan Xildhibaanada Galmudug, isagoo ku tilmaamay waxa cadaado ku socda rabshado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here