Dhacdo Xanuun Badan:-Nin Toorey Caloosha Ugu jeexay Xaaskiisa Hore oo Uur Laheyd

0

Dadka ku nool deegaanka Garas Bintow ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa saakay hadal haya dhacdo xanuun  badan oo dhacday, kadib markii nin Maseersan uu Toorey Caloosha ugu jeexay ilaa ay ka dhimato, Xaaskiisa hore oo Uur laheyd.

Ala Ha U Naxariistee Saafi Faarax Qaasim ayaa dhimatay kadib markii ninkeeda hore oo lagu magacaabo Liiban Xasan  Borow uu Caloosha kaga jeexay Toorey xili  uu ka maseeray sida ay sheegeen dadka ku nool deegaanka Garas Bintow Gobolada Shabeelaha Dhexe.

Saafi Faarax Qaasim oo dhimatay  iyo Liibaan Xasan Barow  oo isna isku dayay in uu isdilo kadib markii uu Caloosha iska galiyay Tooreyda balse aan dhimanin, ayaa la xaqiijiyay In ay muddo ka hor ay kala tagen islamarkaana ay isku dhaleen labo caruur.

Dhanka kale Dhacdada goobta ay dhacday waxaa gaaray Ciidamada Dowladd Goboleedka Hir-shabeelle iyagoo gacanta ku dhigay ninkii falkaan geystay, waxaa sidoo kale la aasay hooyadiisa dhimatay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here