Al-shabaab oo Gowracay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya

0

Maamulka Degmada Xudur ee Koonfur Galbeed Soomaliya  ayaa xaqiijiyay  in 3-askari oo ka tirsanaa  Ciidamada Dowladda Soomaliya   ay gowraceen dagaalyahanada Xarakada Al-shaabab kadib markii ay u goysteen.

Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed Macalin Axmed oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in askarta la gowracay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed islamarkaana ay isku dhiibeen Maamulka Al-shabaab ee Gobolka Bakool.

Maxamed Macalin Axmed Gudoomiyaha Degmada Xudur ee Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu tilmaamay in si iskood ah ay u goysteen Ciidamada la Gorwacay islamarkaana aysan naxariis ka helin dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale maamulka Al-shabaab ee Gobolka Bakool ayaa sheegay  in weerar hubeysan oo ka dhacay deegaanka Dudumaale oo u dhaxeeya Xudur iyo Tayeegloow in lagu Gowracay  seddexda askari ee ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here