Ganacsade Siciid Cali Xuseen oo sheegtay inuu yahay Wakiilka Dooni kalluumaysi oo maalmo ka hor gacanta u gashay Ciidamada badda maamulka Galmudug ayaa sheegay in waxba kama jiraan ay yihiin wararka sheegaya in doontaas ay kuluumaysi Sharcidaro ah ay ka sameenaysay xeebaha deeganada Galmudug.
Siciid Cali Xuseen waxa uu tilmaamay in sharci ay ka heystaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo qeyraadka Badda ee Maamul Goboleedka Puntland kaasi oo cadeenaya in ay isticmaalaan biyahada Puntland, isagoo tilmaamay in si weyn ay isku garanayaan Ganacsatada deeganada maamulka Galmudug.
“Magacaygu Saciiid Cali Xuseen ayaa la dhahaa waxaan ahay wakiilka doonta ay qeybteen Ciidamada Badda Galmudug, doonta la qabtay waa doon kaluumaysi, balse waa waxba kama jiraan wararka sheegaya in ay ka kuluumaysanaysay xeebaha deeganada Puntland iyo Galmudug, waxaa la dilay dadkii saarnaa qaarna waa la dhaawacay”, ayuu yiri Ganacsade Siciid Cali Xuseen.
Ciidamada Badda Maamulka Galmudug ayaa dhawaan gacanta ku dhigay dooni ay saarnaayeen kuulamaysato u dhalatay dalka yemen, sidoo kale Galmudug waxa ay xaqiijisay in dooni ay galbinayeen Ciidamo ka Tirsan Maamulka Puntland oo Maxkamad lagu soo taagayo magaalada cadaado ee Caasimada KMG Galmudug.

