Rasiulwasaaraha soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali sharmarke oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa maanta Tababar ciidan usoo xiray ciidamo ka Tirsan kuwa daraawishta Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya oo mudooyinkii dambe Tababar u socday.
Xaflada soo xirista Tababarka waxaa ka qeyb Galay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya shariif Xasan sheikh aadan iyo xubno ka Tirsan Maamulka Konfur Galbeed soomaliya.
Raisulwasaaraha soomaliya Cumar C/rashiid Cali sharmarke ayaa 300-boqol ee ka Tirsan ciidamada Daraawishta Maamulka Koonfure Galbeed soomaliya ee Maanta losoo xiray Tababarka kula Dardaarmay in ay ka shaqeeyaaan Nabada iyo xasiloonida deeganada uu ka arimiyo Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya.
Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed soomaliya shariif Xasan sheikh aadan oo warbaahinta la Hadlay ayaa dhankiida ugu baaqay ciidamada ka mid ahaan doona kuwa koonfur Galbeed soomaliya in ay diyaar u Noqdaan in Gobolada Baay iyo iyo Bakool ay ka saaraan ciidamada xarakada al-shabaab goobaha ay wali kaga sugan Yihiin.

