Madaxweynaha France oo ka Hadlay Weerarkii Maanta ka Dhacay Magaalada Bamako ee dalka Mali.

0

Madaxweynaha Wadanka France Francois Hollande ayaa sheegay in dowlada France ay Garab taagan Tahay dowlada wadanka Mali Kadib weeraro maanta ka dhacay Magaalada Bamako ee dalka Mali.

Madaxweyne Francois Hollande oo la Hadlaayay Tv-ga qaranka dowlada France ayaa sheegay in dowlada France iyo shacabkeedaba ay Garab taagan Yihiin shacabka Dalka Mali kadib weerarkii maanta Lagu qaaday Mid kamid ah Hoteelada ku Yaala Magaalada Bamako.

Inta la xaqiijiyay 3-qof ayaa ku dhimatay oo ahaa dadkii ku sugnaa Hoteelka waxaana sidoo kale wali la layahay 170-qof oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Hoteelka ku Yaala Caasimada dalka Mali ee Bamako.

Dhanka kale ciidamada France ee ku sugan Dalka Mali ayaa Howlgalo ka wada Hoteelka iyo magaalooyin hoos Yimaada dalka Mali si gacanta loogu soo dhigi ragii ka dambeeyay weerarkii Maanta ka dhacay Magaalada Bamako.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here