Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud iyo wafdi uu Hogaaminaayo ayaa Galinkii dambe ee Maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib Markii ay dhawaan ka qeyb Galeen shirkii loogu Hadlaayay ganacsiga oo ka dhacay Magaalada Dubia ee dalka Isu-taga imaaraadka Carabta.
Wafdiga Madaxweynaha soomaliya waxaa Garoonka diyaarahada Magaalada Muqdisho ee aadan cadde kusoo dhaweeyay xubno dowlada soomaliya Tirsan sida Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya Mudane Maxamed sheikh Cusmaan Jawaari iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed Maxamed sheikh xasan Xaamud, iyo Mas’uuuliyiin kale oo dowlada soomaliya ka Tirsan.
Madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud ayaa dalka Isu-taga imaaraadka Carabta Gaar ahaan Magaalada Dubia kaga qeyb Galay shirkii ganacsiga loogu Hadlaayay isagoona Halkaas kulamo kula soo qaatay Madax Africa ka socotay iyo Madaxda dowlada Isu-taga imaaraadka Carabta ka socotay.












