Dhageyso:- Ciidamada Amisom Oo Si qasab ah Lagaga Saarayo Garoonka Stadium Muqdisho

0

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay ciidanka amisom kaga saarayan Garoonka weyn ee stadium muqdisho  ama isbartiibada oo haatan fariisin u ah ciidamada amisom ee ka howlgala soomaaliya.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Saciid Carab ayaa waxa uu tilmaamay xili uu u waramayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC in ciidamada amisom aysan u ogolaandoonin in ay sii degnaadaan goob logu talagalay in bulshada soomaaliyeed wax logu qabto.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dowladda soomaaliya dacwad ay u gudbiyeen madaxweynaha iyo wasiirka dhallinyrada iyo ciyaaraha soomaaliya balse dhamaantooda aysan waxba ka qaban dacwadooda.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed  Cabdiqani  Saciid Carab ayaa sheegay in dacwad ay u gubinayaan Midowga Africa iyo Taliska ciidanka Amisom ee Soomaaliya.

Ugu danbeynti  Gudoomiyaha  Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani  Saciid Carab ayaa sheegay in dhawaan muqdisho ay ka dhicidoonaan banaanbaxyo loga soo horjeedo ciidamada amisom ee degn xiligaani Garoonka stadium muqdisho .

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here