Xiisad Saakay Ka Taagan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

0

Wararka ka imaanaya Degmada Garbahaarey ee gobolka gedo ayaa ku waramaya in saakay degmadaasi ay isku hor fahdiyaan ciidamo ka amar qaata maamulka degmada iyo sidoo kale ciidmao uu hogaaminayo gudoomiyihi hore ee degmada garbahaarey Iimaan cadow kaarshe oo haatan ah sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Ciidamada dowladda ee uu hogaaminayo iimaan cadow kaarshe ayaa gudaha degmada ka sameystay fariisimo ciidan iyadoona dhinaca kale maamulka dgemada garbahaarey ay diyaariyeen ciidamo ka tirsan kuwa jubaland oo dhawaanahan ku sugna degmada.

Gudoomiyihi hore  ee degmada ayaa doonaya in laga qeyb geliyo siyaasad maamuleed ee degmada garbahaarey waxana sidoo kale uu taageero ka helayaa iimaan cadow kaarshe beeshiisa oo lagu soo waramaya in qaabka maamulka aysan la dhacsaneen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here