Dhageyso:- Odayaasha Hiiraan Oo Diiday in ay La kulmaan Madaxweynaha Hirshabeelle

0

Xili shaley magaalada baladweyne uu garay wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa waxaa jiro khilaaf safarkaas uu dhex geliyay odayaasha ka soo jeeda Hiiraan.

Odayaal si gaar ah ula dhacsan siyaasada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska Beesha Xawaadle ayaa diiday shaley in ay wax ka soo dhaweeyaan Madaxweynaha Hirshabeelle.

Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed  oo kamid ah waxgaradka Gobolka Hiiraan oo la hadlay Idaacadda Simab ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle xaley magaalada Baladweyne uu u seexday sida uu odayaaasha u la kulmi laha balse ay ka biyo diideen in ay hor fariistaan waxana odayaasha weli ay ku taagan yihiin go’aankoodi hore eek u aadana in aysan la dhacsaneen maamulka Jirshabeelle oo aan marki hore tallo ahan aan laga qeybgelin.

Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed  ayaa sheegay in madaxweynaha hirshabeelle uu sida uu doono ka yeeshay soo xulisti xildhibaanada ka soo jeeda deeganada gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyn Nabadoon Maxamed Cabdi Maxamed   ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu ka shqeyn karo Kaliyah go’aanada Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Halkaan Ka Dhageyso

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here