Saraakiisha Ciidamada Booliiska dalka Nigeria oo qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay in wali rajo ay ka qabaan helitaanka mushaaraadkooda iyaga oo hal-sano aan wax lacag ah qaadan.
Saraakiisha ayaa waxa ay sheegeen in ururka midowga yurub horay u balanqaaday bixitaanka mushaaraadka ciidamada Nageria ee ku sugan soomaaliya kuwaa oo qeybta ka ah ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan waxaana saraakiisha ay xuseen in ay dhameysteen howlgalkii dalka ay u yimaadeen iyaga oo tababaro kala duwan siinayay ciidamada booliiska Soomaaliyeed.
136 saraakiil oo u dhashay dalka Nigeria kuwaa oo Soomaaliya u yimid tababarida ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa warbaahinta u sheegay in Bilad sharaf la siiyay halkii ay ka filayeen in la siiyo mushaaraadka xaqqa ay u lahaayeen taa oo waji gabax ku noqotay.
Mid kamid ah saraakiisha Nagerian-ka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xaalad adag ku shaqeeyeen iyaga oo wax mushaar ah aan helin waxaana uu xusay in tani aysan saameyn ku yeelan doonin howsha Soomaaliya ay u yimaadeen kuwaa oo saraakiisha iyo ciidamada booliiska tababar ay u fidinayay.
Munaasabad hambalyo ah oo saraakiishan nagerian-ka ah ayaa waxaa kasoo qeyb-galay taliyaha ciidamada booliiska soomaaliyeed General Mohamed sheikh Osman Hamud oo ku aamanay taageerida iyo garab istaagida ciidamada booliiska Soomaaliyed iyo tababarada kala duwan ay u fidiyeen.
Cabashooyinka kasoo yeeraya ciidamada Booliska AMISOM ee qeybta ka’ah howlgalka nabad ilaalinta soomaaliya ee AMISOM ayaa ah kuwo intooda badan ka cabanaya mushaar la’aaan heysata iyada oo dowladaha Uganda iyo burundi ay ku hanjabeen in dalka ay kala bixi doonaan ciidamadeeda hadii aan waxba laga qaban cabashooyinkooda ku aadan mushaar la’aanta heesata.

