Haweeneey Soomaaliyeed oo xabsiga la’dhigay kadib markii ay afduubatay diyaarad laga lahaa dalka New-Zealand ayaa markale sheegtay hadii xabsiga laga sii daayo in ay afduub kale geysan doonto.
Caasha Cali Cabdulle oo kamid ahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka ka tahriibay ayaa lagu xukumay sagaal sano oo xabsi ah bishii fabraayo ee sanadkii 2008-dii kadib markii ay isku dayday in ay afduubato duulimaad kasocdaalay magaalada Blenheim ee dalka britian oo ku wajahneyd magaalo katirsan dalka New Zealand.
Caasho ayaa waxa ay tooreysay labo kamid ahaa duuliyaasha diyaarada iyo haweeney katirsaneyd rakaabka dadkii saarnaa diyaaradaasi kuwaa oo doonayay in ay xakameeyaan haweyneedan Soomaaliyeed.
Caasho oo lagu waday dhamaadka bisha soo socota ee fabraayo in xabsiga laga sii daayo maadaama xukunkeeda uu dhamaaday ayaa wali ah mid laga cabsi qabo in markale afduub diyaaradeed ay geesato hadii jaanis ay u hesho iyada oo sidoo kale ku hanjabtay in nafsadeeda ay gubi doonto.
Haweyneedan Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo laamaha caafimaadka dalkaasi oo loo arkay in lagama maarmaan ay tahay waxaana ay sheegeen in xanuun dhanka dhimirka ah uu jiri karo maadaama 9 sano xabsi ay ku qaadatay.

