Wiil Dhalinyaro ah islamarkaana u dhashay wadanka Jabuuti sidoo kale ah arday wax ka baranayay mid kamid ah Jaamacadaha wadankaas ayaa geystay fal aad looga xumaaday.
Wiilkaan ayaa arin layaab leh kula dhaqaaqay qoyskiisa waxa uuna dilay Hooyadi dhashay iyo Aaabihiisa isagoona sidoo kale dilay Sadex Gabdhood oo la dhalatay waxana dilka dadkaan uu dhamaan u adeegsaday Toorey sida dowlada Jabuuti xaqiijisay.
Wiilka falkaan geystay ayaa qolol ay hurdayeen hooyada iyo sadex gabdhood ugu galay isagoona dilay ugu danbeyn.
Dhinaca kale wiilka ayaa falkaasi marka uu fuliyay waxa uu wacay aabihiisa dhalay oo u sheegay in guriga deg deg looga baahan yahay waxana aabaha marki guriga uu yimid wiilka uu ku bilaabay tooreyn isagoona ugu danabeyntii geeriyooday.
Sidoo kale waxa jirtay gabar afaraad oo wiilka la dhalatay oo iyadana dhaawac ahan loo qaaday inkastoo isaga uu dhimasho kaga tagey.
Arrinta dad badan ka yaabisay ayaa aheyd markii wiilka falka dilka uu geystay islamarkaana uu hubsaday dhamashda Hooyadiisa, Aabihiisa iyo gabdhihi la dhashay waxa uu aaday oo u dhaqaaqay xaga iyo saldhiga booliska magaalada Djabuuti oo uu falkaani ka dhacay waxana uu isku dhiibay wiilka dilka geystay ciidanki Saldhiga joogay oo uu u sheegay in qoyskiisa uu soo laayay.
Tv-ga wadanka jabuuti oo falkaan naxdinta leh baahiyay ayaa waxa xili uu soo xiganayay dadki deriska la ahaa qoyska dhibka uu gaaray waxa y dhamaan dadka wada tilmaameyn in qoyskaan uu aha qoys afkooda laga amaan heli jirayu islamarkaana qoys xaga wax barashada ku fiican uu aha.
Booliska Jabuti ayaa baaraya falkaan dhacya iyadoona la xiray wiilki falkaan geystay.

