Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya waxaa booqasho aan horey loosoo sii shaacinin kusoo gaaray Taliyaha Ciidamada Malatariga Dowladda Uganda General Katumba Wamala iyo saraakiil kale.
Xarunta xalane ee ah Fariisinka ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ayuu kulamo kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Ku Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya, Taliyaha Ciidanka Amisom Jeneraal Subagle iyo Saraakiisha Ciidanka Uganda ka joogga dalka.
Taliyaha Ciidamada Malatariga Dowladda Uganda General Katumba Wamala yaa xubnihii uu la kulmay ayuu kala hadlay sidii loo dardargalin lahaa Tayenta Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed iyo sidii loosii xoojin lahaa dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab oo Soomaliya ka dagaalanta.








