Xasan Shiikh:-“Afartii Sano Aynu Soo Dhaafnay Waxaan Dagaal Kula Jirnay Musuq maasuqa”,

0

Madaxweynaha waqtigiisu  uu dhamaaday ee Xasan Shiikh maxamuud oo hadal ka jeedinayay munaasabad uu kusoo bandhigay musharaxnimadiisa ayaa markii ugu horeysay ka hadlay eedeenta loo jeediyay Dowladiisa oo ku aadan in Masuq-maasuq ay ku caan baxday.

Xasan Shiikh Maxamuud oo ka jawaabayay eedeen ugu timid Madaxweynihii hore ee Soomaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ku aadan In Dowlada waqtigeeda uu dhamaaday in ay ku caanbaxday Musuq-maasuq ayaa sheegay in afartii sano ee dalka uu maamulayay  lagu guuleystay in lala dagaalamo waxa la yiraahdo musuq-maasuq.

“Waxaa soo noq noqday eedaha sheegaya in dalka musuq maasuq baahay uu ka jiro. Musuq maasuqa waxaa lagula dagaalamaa hay’ado dhisan iyo sharciyad ay leeyihiin, Waxaa meelo badan nooga dhiman weli oo aan dhameystirmin hay’adihii, inkastoo sharciyaddii hay’adahaasi in badanoo ka mida ay jiraan, laakiin jiritaankoodii iyo qaabayntoodii, ay wax ka dhiman yihiin.”

“Waxaan ballanqaadayaa in dagaal aan loo ganban oo laga cabsanin, oo aan leesu qaraabeysanin, leesu qolo qoleysanin, leesuna kooxo kooxeysanin ee dalka Somaliya loogala dagaalamayo musuq maasuqa iyo ku daneysiga ku takri falka awoodaha shacabka Somaliyeed, ay masuuliyiintoodu u dhiibteen, in dhaqan ku saleysan sharciyad la yaqaano oo qaanuun ah, in dalka laga dhaqangeliyo sida ugu dhakhsiyaha badan, haddii Alle yiraahdo.”ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here