Xarakada Al-shabaab ayaa faah-faahin ka bixisay qasaaraha ka dhashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay meel ku dhow hoteelka Peace oo ku yaala meel aan sidaas ugu fogeen Garoonka Diyaaraha Magaalada Muqdisho.
Shabaab waxa ay sheegeen in qaraxa koowaad uu beegsaday bar koontarool oo ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ka ilaalinayeen Hoteelka kadibna uu xigay qarax kale oo loo adeegsaday gaari xamuul ah oo walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.
Dhimashada gaartay AMISOM : 8 katirsan ciidanka AMISOM oo mid kamid ah yahay sarkaalkii haystay ciidanka Madina Gate Dhimashada Dowladda 14 Askari oo katirsan ciidanka Nabad sugidda+4 Askari katirsan Bangaraaft Dhimashada Q.Midoobe: 4 shaqaalaha UN-ka katirsan Dhaawaca AMISOM; waa 32 oo 16 kamid yihiin dhaawacyo garaab ah Dhaawaca ciidanka Dowladda: waa 9 Askari. Dhaawaca Shaqaalaha UN-ka: waa 3 shaqaale ah waa sida ay soo bandhigeen Al-shabaab kadib markuu weerarka dhacay.
Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in wadarta dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii Shalay ay gaartay 44 oo isugu jira ciidanka dowladda Federaalka Soomaliya ,kuwa Midowga Afrika AMISOM iyoshaqaalaha UN.
Dowladda Soomaliya oo ka hadashay weerarka ayaa ku soo koobtay hadalkeeda Cambaareyn

