Wararka Haatan ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dad careysan ay dibad bax ka dhigeen Gudaha Magaaladaas Jowhar kuwasoo ka cabanaya lacago ay sheegeen in ay Musuq-maasuqeen Maamulka magaalada Jowhar.
Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigayay oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in dadka barakacayaasha ku dhaqan Magaalada Jowhar lacago loogu Talagalay ay Musuq-maasuqeen Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe
Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ka socday raashin qeybin ay wadeen Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Wali ka aysan Hadlin dibad Baxaan maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabaalaha dhexe

