Dibad Bax Cabasho ah oo Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

0

Wararka Haatan ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in dad careysan ay dibad bax  ka dhigeen Gudaha Magaaladaas Jowhar kuwasoo ka cabanaya lacago ay sheegeen in ay Musuq-maasuqeen Maamulka magaalada Jowhar.

Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigayay oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Tilmaamay in dadka barakacayaasha ku dhaqan Magaalada Jowhar lacago loogu Talagalay ay Musuq-maasuqeen Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ka socday raashin qeybin ay wadeen Maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe.

Wali ka aysan Hadlin dibad Baxaan maamulka Magaalada Jowhar ee Gobolka shabaalaha dhexe

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here