Maamulka Degmada Caadubwaaq oo Eedeen kala Dul-dhacay Maamulka Ahalusuna Waljamaaca.

0

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud ayaa Maamulka Ahalusuna Waljamaac ku Eedeeyay in ay Abaabul Dagaal ka Wadaan Deegaanada dhaca Waqooyiga Gobalka Galgaduud.

Mahad Cumar Cilmi Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq ee Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Dablay Hubeysan Oo laga soo Abaabulay Magaalada Dhuusa-mareeb oo Xaruun u ah Maamulka Ahalusuna Waljamaaca Ay Dad Rayad ah ku laaayeen Caabudwaaaq.

Gudoomiyaha Degmada Caabudwaaq oo sii hadlay ayaa sheegay in Sababta Ahalusuna ay Abaabulka Colaadeed ay uga wadaan ay tahay sidii ay Colaad uga dhex abuuri la haayeen Bulshada Degmada Caabudwaaq oo uu sheegay hada ay Nabad-galyo ku wada dagan yihiin.

Mahad cumar cilmi Gudoomiyaha degmada Caabudwaaq ayaa sheegay in Ragii ka Danbeeyey shaqaaqadii ka dhacday  Caabudwaaq oo ay xaqiiqsadeen in ay ka tirsanaayeen Maamulka Ahalusun Ee Dhuusa-mareeb.

Gudoomiyaha ayaa Tacsi u diray Ehelada Dadkii ku Dhintay Israsaaseynta kooxo hubeysan ku dhexmartay Gudaha degmada Caabudwaaq Asagoo sheegay in ay Cambaareeynayaa Falkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here