Keisuke Honda Laacibka qadka dhexe ee kooxda AC Milan ayaa beeniyay wararka sheegaya In uu ka dhaqaaqayo kooxda ac Milan marku Furmo suuqa kala iibsiga Bisha Junuary,
29-jirkaan heerka caalami ee xulka dalka Japan ayaa waayay booskiisa kowaad ee kooxda ac Milan Tan iyo markii uu shaqaqada kooxda ac Milan la wareegay ninka reer Serbia ee Sinisa Mihajlovic
Isagoo saxaafada Hadal kooban siiyay ayuu sheegay xidigaa Keisuke Honda in uu diyaar u yahay In uu u dagaalamo booskiisa kowaad ee kooxda Ac Milan.

