Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedka Galmudug ayaa lagu eedeeyay in ay dayacaeen amaanka deegaanada Maamulkaas islamarkaana ay isku koobeen kaliyah Caasimada KMG ee Maamulka ee Degmada Cadaado.
Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu u waramay idaacadda simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay madaxda Galmudug in aysan dan ka heleen amaanka deegaanada Maamulka Galmudug, islamarkaana ay isku koobeen Magaalada Cadaado.
“Deeganada Galmudug waxaa loo qeybiyaa 3-qeybood, deegaanada ay ku sugan yihiin nimanka shabaab la yiraahdo, deeganada hoos yimada Galmudug balse aysan ka talin Galmudug, iyo deeganada ay ku sugan yihiin Ahlusuna Waljameeca, runtii waa la dayacay amaanka deeganadaas, madaxda Galmudug waxa ay ka fiirsadaan danahooda, kaliyaha Magaalada Cadaado ayaa si weyn loo adkeeyay amaankeeda ayuu yiri”, Xildhibaan Duraan Cali Jaamac.
Sidoo kale Xildhibaan Duraan Cali Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug ayaa sheegay madaama ay yihin sharci dajiyaasha Maamulka Galmudug ay la xisaabtami doonaan Madaxda Maamulka Galmudug sida Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa, iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

