Jaaliyadda Soomaliyeed Woqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegtay in sedexdii bilood aynu soo dhaafnay magaalooyinka dalkaas lagu dilay in ka badan 15-ruux oo Soomali ahaa kuwaasi oo siyaabooyin kala duwan loo dilay.
Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaliyeed Woqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Afrika C/raxman Shiikh Cumar oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la diiwaan galiyay 3-dii bilood aynu soo dhaafnay kiisas-ka dilal gaaraya 15-ruux oo Soomaliyeed kuwaasi oo ganacsi kala duwan ku lahaa magaalooyinka waa weyn ee tuulooyinka dalkaas.
“Dadka Soomaliyeed ee 3-bilood aynu soo dhaafnay dalka koonfur Afrika lagu dilay tiri ahaan waxa ay gaarayaan 15-ruux waxaa ugu naxdinta badnaa dil loo geystay aabe Soomaliyeed oo isaga oo caruurtiisa la joogo la dilay, waxaa sidoo kale jira dhalinyaro Soomaliyeed oo lagu gubay goobahooda ganacsi, kuwa la dilay waxa u badan dhalinyaro Soomaliyeed oo ganacsiyo waa weyn ku lahaa magaalooyinka iyo tuulooyinka dalkaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaliyeed Woqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Afrika C/raxman Shiikh Cumar.
Sidoo kale Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaliyeed Woqooyi Galbeed ee dalka Koonfur Afrika C/raxman Shiikh Cumar waxa uu sheegay in taageero dhinac walba ah ka heleen Safaaradda Soomaliya ee dalkas islamarkaana dowladda Koonfur afrika ay kala hadashay sidii wax loogu qaban lahaa dhibaatooyinka loo geysto Soomalida.

