Xukuumadda dalka Burundi ayaa sheegtay in bisha soo socoto ciidamadeeda ay kala bixi doonto howlgalka nabad ilaalinta oo ay u joogaan Soomaaliya sababo la xiriira Ciidamada oo aan helin mushaaraadkooda dhowr bilood oo lasoo dhaafay sida uu sheegay madaxweynaha Burundi Pierre nkurunziza.
“Dowlada Burundi waxa ay warqad u dirtay midowga Africa si ay u sheegato xaalada mushaar la’aanta ee ciidamadeena heesata, waxaan diyaar u nahay in Ciidamadeena Soomaaliya aan kala baxno bisha January sanadka 2017-ka.” Ayuu yiri Madaxweyne Nkurunziza oo warbaahinta kula hadlay caasimada ee Bujambura.
Ciidamada nabad ilaalinta ee midowga Africa oo looyaqaano AMISOM ayaa taageero siinayay dowlada Somaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo xiriir la leh Al’qaacida, Ciidamada Nabad-ilaalinta Somalia u jooga ayaa ah 22,126 oo isugu jira ciidan iyo booliis kuwaa oo ka kala socda dalalka kala ah Sierra leone ,Ethiopia,Djabaouti iyo Kenya, waxaana dowlada Burundi kasocda 5,432 halka ciidamada Uganda ay gaarayan 6,223.
Madaxweyne Nkurunziza ayaa todobaadkii hore sheegay in ciidamadiisa aysan helin 10 bilood mushaarkooda kadib markii midowga yurub oo dhaqaale siiya howlgalka AMISOM uu k’gaabiyay taa oo kadhigan cunaqabateyn lagaga soo horjeedo Burundi.

