Safaaradda Soomaliya ee Dalka Yemen oo Loo Raray Magaalada Cadan

0

Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabbi Mansuur, ayaa Warqadaha Aqoonsiga  Safiirnimo ka Guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Somaliya u magacowday dalka Yemen Mudane Cabdulaahi Xaashi Shuuriye.

Safiirka Cusub ee Soomaliya ee dalka yemen Cabdulaahi Xaashi Shuuriye  ayaa Madaxweynaha Dalka yemen ugu warbixiyay xaaladaha dalka Soomaliya, isagoo sidoo kale gaarsiiyay dhamaal salaam ah uu kaga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya mudane Xasan Shiikh maxamuud.

Safaarada Somaliya  ee dalka yemen ayaa markii hore waxa ay ku taali jirtay Magaalada Sanca ee dalka Yemen in ay dagto, balse halkaasi iminka waxaa ka socda dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Xuutiyiinta iyo Ciidamada yemen, meelaha ugu badan waxa ku sugan kooxda Mucaaradka.

Dowladda Yemen ayaa diblumaasiyiinta ugu baaqday inay ka soo baxaan Magaaladaasi oo ay safaaradahooda ka soo rartaan, ayna u soo guuraan Magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasi oo Dowladda si KMG ah u degan tahay.

Durbadiiba Soomaliya ayaa aqbashay codsiga Dowladda Yemen iyadoo safaaradda Somaliya ee dalkaas loo raray Magaalada Cadan ee dalka Yemen, halkaasi oo Dowladda si KMG ah u degan tahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here