Galmudug oo Beenisay in Puntland ay Furtay Wadooyin Ku Xirmay Dagaaladii Ka Dhacay Gaalkacyo+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa  si cad u beeniyay in Puntland ay Furtay Wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Cabdi Xuseen Maxamed Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada   Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Puntland ay go’aasaday in ay furto wadooyinkii ku xirmay dagaalada, islamarkaana wali ay xiran yihiin wadooyinkii xirnaa.

Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in Dhanka Galmudug ay ka go’an tahay in dib loo furo isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Gobolada Mudug.

Dhawaan Wasiirka Degaanka iyo Duurjoogta Maamulka  Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo magaaladda Galkacayo  ee Gobolka Mudug kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadalay ganacsiga iyo isku socodka magaalada Gaalkacyo oo kala xiran, waxaana uu sheegay in dhinac koonfurta ee Maamulka Galmudug uu ka xaniban yahay ganacsigu

Wasiir Cali Cabdullaahi, oo sidoo kale ka mid ah guddiga amniga gobolka Mudug ee Maamulka puntland , ayaa ugu baaqay  maamulka Galmudug inay  dib u furaan isku socodka iyo ganacsiga magaalada, oo ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta gobolka, oo la joojiyo dagaaladda, la iskana dhigo qoriga.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here