Dilal Qorshaysan oo Xalay Ka Dhacay Degmooyin Ka Tirsan Gobolka Banaadir

0

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir waxaa xalay ka dhacay dilal qorshaysan oo loo geystay dad shacab ahaa iyo askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya.

Weerarka hore ayaa ka dhacay agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir  ee Gobolka Banaadir kadib markii kooxo bastoolado ku hubeysan ay halkaas ku toogteen askari ka tirsanaa ciidanka nabad sugida iyo qof la socday, Kooxda dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsatay waxaana ay horey usii qaateen  qori uu watay askariga la dilay.

Dhanka kale, Kooxo hubeysan ayaa  xalay xaafada bangaariyada ee degmada hodan ee Gobolka Banaadir waxay ku toogteen labo qof oo shacab ah sida dadka degaanku ay sheegayaan, waxaana  goobta isaga baxsaday ragii dilka fuliyay.

Afhayeenka Maamulka Gobolada Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamo amaanka dowladda Soomaliya  ay ku raad jogaan rag lagu tuhmaayo dilalka xalay ka dhacay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here