Maamul Goboleedka Galmudug ayaa si cad u beeniyay in Puntland ay Furtay Wadooyin ku xirmay Dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee u dhaxeeyay Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Cabdi Xuseen Maxamed Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Puntland ay go’aasaday in ay furto wadooyinkii ku xirmay dagaalada, islamarkaana wali ay xiran yihiin wadooyinkii xirnaa.
Gudoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug waxa uu sheegay in Dhanka Galmudug ay ka go’an tahay in dib loo furo isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Gobolada Mudug.
Dhawaan Wasiirka Degaanka iyo Duurjoogta Maamulka Puntland Cali Cabdullaahi Warsame oo magaaladda Galkacayo ee Gobolka Mudug kula hadlay warbaahinta ayaa ka hadalay ganacsiga iyo isku socodka magaalada Gaalkacyo oo kala xiran, waxaana uu sheegay in dhinac koonfurta ee Maamulka Galmudug uu ka xaniban yahay ganacsigu
Wasiir Cali Cabdullaahi, oo sidoo kale ka mid ah guddiga amniga gobolka Mudug ee Maamulka puntland , ayaa ugu baaqay maamulka Galmudug inay dib u furaan isku socodka iyo ganacsiga magaalada, oo ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta gobolka, oo la joojiyo dagaaladda, la iskana dhigo qoriga.

