Taliska Ciidanka Booliska dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in dagaalyhanada xarakada Al-shabaab ay qorshaynayaan weeraro laga fuliyo deegaanada Maamulkaas.
Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay shir ku yeesheen deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay ayna go’aan ku gaareen in weeraro kala duwan ay ku qaadaan deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliiska ee gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Aadan waxa uu sheegay in shabaab ay qorshahooda uu qeyb ka yahay in qaraxyo ismiidaamin ah iyo dilal qorshaysan in laga geysto deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.
“Shabaab waxa ay shir ku yeesheen deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay qodobada ay shirkooda kasoo saareen waxaa qeyb ka ahaa in weeraro iyo dilal qorshaysan in laga fuliyo deeganada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya, iyadoo taas laga duulayo Ciidamada kala duwan ee Maamulka waxa ay samanaynayaan Howlgalo joogto ah”, ayuu yiri Taliska Ciidanka Booliska dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed

