Sarkaal Ka Tirsanaa Shabaab oo La Dilay oo Lagu Soo Bandhigayo Kismaayo

0

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Galbeedka Magaalada Kismaayo ay ku dileen saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-shabaab oo si weyn looga yaqaanno deegaanad Maamulka Jubbaland sida ay hadalka  u dhigeen .

Sarkaal sare oo ka mid ah Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland oo lagu Magacaabo Axmed C/laahi Ciise oo la hadlay Idaacadda Simba ee Muqdisho  ayaa sheegay in Sargaalka laga dilay Shabaab ay Maanta ku soo bandhigi doonaan Meydkiisa Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada oose

Axmed Cabdullaahi Ciise ayaa ka gaabsaday inuu shaaciyo magaca Sarkaalkan lagu dilay dagaalka ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo,waxaana uu intaa raaciyey hadalkiisa in Ciidanka Jubbaland ay qabsadeen deegaano badan oo ku yaalla galbeedka Magaalada Kismaayo walina ciidanka ay kusii wajahanyihiin deegaanno kale.

Dhanka kale ma jiro wax war ah oo Al-shabaab ay kasoo saareen sheegashada Jubbaland ee  ku aaddan dilka sarkaalkan maamulkaasi uu ku sheegay inuu ka tirsan-yahay xarakada Al-shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanna dhaca galbeedka Magaalada Kismaayo ka socday dagaal u dhexeeya Ciidamo kala tabacsan Al-shabaab iyo Ciidanka Maamulka Jubbaland waxaana lagu waramayaa in dagaalku uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here