Dowladda Turkey-ga oo saaxiib dhow la ah Soomaliya ayaa diyaarisay xaruntii ay ku shiri lahayeen xubnaha aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya , oo dhawaan laga soo doortay xarumaha Maamulka Goboleedyada.
Xaruntan oo si casri ah loo dhisay ayaa kaalin waxaa ka qaatay dhismheeda Wasaarada Howlaha Guud , dib u dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaliya,waxaa sidoo kale loo dhameystiray agabkii ay u baahneyd, waxaana la qorsheynayaa in dhawaan xarigga laga jaro.
Dowladda Turkiga ayaa ah dowladda kaliya ee ay ka go’an tahay Soomaaliya wax loo qabto, waxaana shacabka Soomaaliyeed u arkaan Turkigu inuu yahay walaalo usoo gurmaday, iyo dhibaato badan la qeybsaday.
Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay yeelatay aqalka sare oo laga soo doortay xarumaha dowlad goboleedyada, waxaa dad badan ay layaabanaayeen sida loo kala maarayn doono kulamada Xubnaha Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose.







