Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM iyo xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan taageerida soomaaliya( UNSOS) ayaa sheegay in ay qaadayaan howlgal lagu furayo wadooyinka muhiimka ah ee dhaxmara maamulka Hirsabelle.
Labada urur ayaa sheegay in u jeedkooda wadooyinka ay ufurayaan uu yahay in ay taageeraan dadka deegaanka ee halkaasi ku nool iyada oo howlgalkani qeyb weyn ay ka yihiin militriga Brundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika.
Major reymond oo ah madaxa howlgalkan ayaa sheegay in howlgalka dib u hagaajinta furitaanka wadooyinka ee gobolada shabeleha dhaxe iyo hiiraan in ay ka caawin doonto dadka deegaanka in ay u kictimaan gurashada dalaga beerahooda isla markaana ay geeyaan suuqyada.
Waxa uu intaasi ku daray in shacabka deegaanadaasi si xur ah ay ugu noolaan doonaan guryahooda iyaga oo caawin ka helaya hey’adaha amaanka.
Kemia ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka ay heli doonaan adeegyada ay bixiyaan hay’adaha xuquuqul insaanka isla markaana deegaanadaasi la’gaarsiin doono gar-gaarka bini’aadanimo ay bixiyaan hay’adaha qaramada midoobay.
Taliyaha Guudata 5-aad general venusto nadywae ayaa sheegay in howlgakani horay loo bilaabay kaa oo 150 KM oo wadooyinkaaasi ah dib loogu hagaajin doono isaga oo uu tilmaamay in deegaanadaasi ay ka buuxaan dalaga beeraha.
Taliayaha ayaa magacaabay qaar kamid ah jidadka dib loogu hagaajin doono oo ay kamid yihiin Biyo-cadde,Mahadaay,Elbaraf iyo Raage Ele oo si toos ah loogu xerayo Magaalada Mogadishu.
Howlgalka Dib u hagaajinta ayaa bilowday 1 December kadib markii Godoomiyaha howlgalada midowga Africa ee AMISOM u qaabilsan soomaaliya Ambassador Francisco Madeira uu booqday madaxweynaha maamulka Hirshabelle cali Abdullahi Cosoble kaa oo kulankooda ay kaga hadleen arimaha Amaanka kaabayaasha dhaqaale ee maamulkaasi.
Howlgalka dib u hagaajinta wadooyinka ee maamulka hirshabeele ayaa La fulin doonaa 3 bil kadib.










